Ganacsatada Somaliyeed oo digniin loo diray

Taliyaha hoggaanka ilaalinta Canshuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta ka digay in Canshuurta la kordhiyay.

Shirkaan Jaraa,id ee uu maanta ku qabtay Janeraal Cabdullaahi Xasan Bariise Taliyaha hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa ku saabsanaa digniin uu u diray Ganacsatada Soomaliyeed oo ah in aysan sara u qaadin maciishada Quutul-daruuriga ah, iyaga oo ka faa,iideeysanaya dadaalka loogu jiro ka hortaga cudurka Corona Virus ee COVID 19.

Sidoo kale Taliyaha Hoggaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qofka qaadan waayo digniinta ay u direen.

Hadalka ka soo baxay Hogaanka ilaalinta cashuuraha iyo dhaqaalaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Ganaraal Cabdulaahi Xasan Bariise ayaa wax badan u tari doonto Shacabka soomaaliyeed oo ka wal-walsan in lagu qaaliyeeyo maciishada qutul-daruuriga ah.