Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo maalintii Labaad xiran

Waxaa maalintii labaad xiran guud ahaan Suuqa weyn ee Bakaaraha sidda ay xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ganacsatadda Suuqa weyn ee Bakaaraha.

Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayaa fadhiya Irdaha xiran ee Bakhaaradooda, waxa ay sheegeen in aysan marnaba furi doonin tan iyo inta laga xalinaayo tabashadooda.

Maalintii shalay aheyd ayay xireen Guud ahaan Suuqa ka dib markii ay sheegeen in ay lacag xad dhaaf ah ay kusoo rogtay Wasaaradda Maaliyadda.

 Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa  kulan la yeeshay Guddiga Ganacsatada Gobolka, waxana ay ka wada hadleen sidii xal maan-gal ah loogu heli lahaa khilaafka ka dhashay canshuuraha.

Guddiga Ganacsatada iyo Guddoomiyaha ayaa isla falan-qeeyey cabashada ka dhalatay canshuuraha laga hir geliyey Gobolka Benaadir, iyagoo isla qaatay in guddi qiimeyn ah loo saaro sidii xog ururin dhammeystiran loogu sameyn lahaa cabashooyinka ku aaddan canshuurta.