Ganacsiga Suuqa Bakaaraha oo Saaka xiran

Waxaa Saakay xiran inta badan Suuqa weyn ee Bakaaraha ka dib markii Ganacsatadda Suuqa ay ku dhawaaqeen shaqo joojin.

Shaqo joojintaan ayaa timid ka dib markii ay sheegeen in dowladda Soomaaliya ay kusoo rogtay Canshuur dheeraad ah oo aysan qaadikarin.

Qaar ka mid ah Ganacsatadda ayaa warfidiyeenka u xaqiijiyay in guud ahaan Saakay ay xiran yihiin Suuqa Bakaaraha.

Sidoo kale ganacsatadan ayaa sheegaya in alaab badan ay kaga baaba’ayso dekadda, ayna taallo muddo ka badan 12 cisho, waxayna sheegeen in haddii canshuurta la sheegayo ay bixiyaan ay khasaare badan la kulmayaan