Gankauddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka Oo Katacsiyeeyay Gaarida Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore

Ku-simaha guddoomiyaha ahna guddoomiye ku-xigeenka Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo kooxo hubeysan  ku dileen magaalada Muqdisho.

Ku simaha Guddoomiyaha Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad ayaa dhammaan Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya,Shacabka Soomaaliyeed,Qoyskii iyo Qaraabadii uu ka baxay uga tacsiyadeeyay geerida marxuumka,wuxuuna Alle uga baryay naxariistii janno.

Sidoo kale,Xildhibaanada Labada Aqal ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka tacsiyadeeyay geerida Marxuum Cismaan Cilmi Boqore,waxayna Alle uga baryeen inuu ka waraabiyo naxariistiisa Janno.