GANTAALADA IRAN  OO SI TIRA BEEL AH UGU HOOBANAYAAN  CAAWA QUDUS IYO MAGAALOOYIN BADAN

GANTAALADA IRAN  OO SI TIRA BEEL AH UGU HOOBANAYAAN  CAAWA QUDUS IYO MAGAALOOYIN BADAN:

Wararka ka imaanaya Bariga Dhexe ayaa sheegaya in gantaal ay Iran soo ridday si toos ah ugu dhacay magaalada Qudus iyo Bartilmaameedyadii loo qorsheeyey.

Wariye ka tirsan Al Jazeera ayaa xaqiijiyay in weerarkaasi uu gaaray bartilmaameed ku yaalla magaalada, halka seeriga digniinta iyo qaraxyo laga maqlay Galbeedka Qudus.

Nidaamyada difaaca cirka ee Maamulka YHD ayaa si weyn ugu fashilmay in ay ka hortagaan oo ay qabtaan Gantaaha guuxooda ka dheereeya oo ay wehliyaan diyaaradaha drones ee isqarxiya ayagoo dhanka kale shacabka lagu amray inay galaan goobaha gabbaadka.

Dhanka kale Ciidamada YHD ayaa dhankooda cawa duqeeyey xarumo muhiim ah oo ku yaala Caasimada Tahraan sida xaruntii Telefeshinka qaranka Iran,

Xaaladda guud ee Gobolka ayaa weli kacsan, kadib ku dhawaaqistii iyo xaqiijintii Iran Geerida Hugaamiyahoodii Ayatullah Ali Khamenei.