Degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa maanta la gaarsiiyay gargaar bani’aadamnimo oo ay bixiyeen ciidamada Kumaandooska Danab ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Gargaarkan ayaa si gaar ah loogu qeybiyay qoysas danyar ah oo ay saameeyeen duruufo nololeed oo adag, waxaana uu ka jawaabayaa codsi hore oo bulshada deegaanka uga timid Ciidanka XDS.
Taliska Guutada 16-aad ee Danab ayaa sheegay in deeqdan ay qeyb ka tahay dadaallada joogtada ah ee ay ciidanku ugu jiraan taageeridda bulshada Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa xiriirka dhow ee ka dhexeeya shacabka iyo geesiyaasha Danab.
Shacabka degmada Awdheegle ayaa si weyn u soo dhaweeyay gargaarka, iyagoo ku sifeeyay mid naxariis iyo wadaniyad leh, islamarkaana muujinaya garab istaagga ay Ciidamada Qaranku u hayaan dadkooda.