Garoonka Ajax Oo Loogu Yeeri Doono Johan Cruyff ArenA Laga Bilaabo Xilli Ciyaareedka 2018-19

Garoonka Ajax ee Amsterdam ArenA waxaa loo bedeli doonaa Johan Cruyff ArenA xilli ciyaareedkan 2018-19 sida ay kooxda xaqiijisay.

Go’aanka waxaa la gaaray kaddib markii ay kulmeen kooxda maamulkeeda iyo masuuliyiinta deegaanka kuwaas oo wax ka leh garoonka.

 

Ajax waxa ay daaha ka rogi doontaa astaan cusub oo garoonka ah 25 ka bisha April waana maalinta uu Cruyff da’diisu noqon lahayd 71.

Halyeygii Netherlands iyo Barcelona waxa uu u geeriyooday kansar 2016.

Maareeyaha guud ee Ajax, Edwin Van der Sar ayaa u sheegay Website-ka kooxda: “Johan Cruyff waa ciyaaryahankii kubadda cagta ugu wanaagsanaa ee ay Ajax soo saarto. Waxaa qeyb ka mid ah isaga looga mahadcelinayaa in Ajax magic weyn leedahay, gudaha iyo dibedda.

“Waa wax wanaagsan in garoonka isaga loogu magacdaro.”

Qoyska Cruyff ayaa warbixintan soo saaray: “Waan ku faraxsannahay warkan, garoonkana hadda waxaa loogu yeeri karaa Johan Cruff Arena laga bilaabo xilli ciyaareedka dambe.”