Garsooraha Afrika Ugu Wanaagsan Oo Si Maamuus Leh Loogu Soo Dhaweeyay Muqdisho

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), ayaa maanta Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho kaga qeyb galay munaasabad si heer sare ah loogu soo dhaweynayay Garsoore heer caalami Omar Cabdullaahi Qadar (Omar Abdulkadir Artan) oo dib ugu soo laabtay dalka.

Garsoore Omar Artan ayaa si weyn loogu aqoonsan yahay inuu ka mid yahay garsoorayaasha ugu sumcadda badan qaaradda Afrika, isagoo sanadkan ku guuleystay aqoonsiga garsooraha ugu wanaagsan kubadda cagta Afrika. Sidoo kale, waxa uu ka mid yahay garsoorayaasha heer caalami ee loo xushay inay dhex-dhexaadiyaan ciyaaraha ugu waaweyn kubadda cagta adduunka, taasoo muujinaysa heerka sare ee xirfaddiisa iyo kalsoonida ay ku qabaan hay’adaha caalamiga ah ee kubadda cagta.

Munaasabadda soo dhaweynta oo ay ka qeyb galeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, maamulka Gobolka Banaadir, bahda isboortiga iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, ayaa lagu muujiyay sida shacabka Soomaaliyeed ugu faraxsan yihiin guulaha iyo sumcadda uu Garsoore Omar Artan ka dhex sameeyay saaxadda caalamiga ah.

Guddoomiye Ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), oo hadal ka jeediyay munaasabadda ayaa ku ammaanay Garsoore Omar Artan dadaalka, kartida iyo sumcadda uu ku mutaystay inuu noqdo mid ka mid ah garsoorayaasha ugu magaca weyn Afrika. Waxa uu sheegay in Omar uu yahay shaqsi magac iyo sharaf u soo hooyay Soomaaliya, isla markaana uu tusaale wanaagsan u yahay dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku haminaya inay gaaraan heerar caalami ah.

Yabooh ayaa sidoo kale xusay in maamulka Gobolka Banaadir iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab taagan yihiin Garsoore Omar Artan, isaga oo ku boorriyay inuu sii wado dadaallada uu ku metelayo magaca Soomaaliya, kana shaqeeyo horumarinta isboortiga iyo garsoorka kubadda cagta.

Soo laabashada Garsoore Omar Artan ayaa noqotay mid si weyn looga hadal hayo gudaha dalka, iyadoo bulshada Soomaaliyeed ay ku tilmaameen inuu yahay haldoor isboorti oo Soomaaliya u horseeday sharaf iyo aqoonsi caalami ah. Guulihiisa ayaa loo arkaa kuwo sare u qaadaya magaca dalka isla markaana dhiirrigelinaya jiilalka cusub ee Soomaaliyeed.