Gen. Caanood Oo Sheegay in ay dileen Saraakiil Shabaab ah

Gen. C/laahi Cali Caanood oo ah Abaandullaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa shaaciyay magacyada saraakiil Shabaab ka tirsanaa oo uu sheegay in lagu dilay duqeyn maalin kahor ka dhacday deegaan u dhaw degmada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Abaandulaha oo u waramay warbaahinta ku hadasha afka ciidamada qalabka sida ayaa waxa uu sheegay howlgalkan in ay iska kaashadeen ciidanka Mareykanka iyo kuwa Kumaandooska Soomaaliya, laguna dilay ilaa Saddex sarkaal oo lagu kala magacaabo Khalif Maxamed Warsame (Khaliif Cadale), Yuusuf Macalin Cabdalla iyo Muuse Cali Gaabow.

Wuxuu kaloo sheegay Gen. Caanood inta uu howlgalka socday in lagu burburiyay ilaa iyo afar goobood oo Al-shabaab u ahaa saldhigyo ay ka soo abaabulaan weerarada, laguna dilay dagaalyahano badan oo kooxda ka tirsanaa.

“Waxaa Alle mahadiis ah, in uu Alle nagu guuleeyay howlgal ka dhacay deegaan u dhaw degmada Bariire, waxaan ku beegsanay koox ka tirsan cadowga, waxaan ku dilnay ilaa Saddex horjooge iyo dagaalyahano kooxdda ka tirsanaa, waxaa si wadajir ah howlgalkan u fuliyay ciidanka Mareykanka iyo kuwa xoogga dalka.” Ayuu yiri Gen.Caanood.

Idaacadaha ku yaalla magaalada Muqdisho ayaa baahiyay in duqeyntaasi khasaare ay ka soo gaartay dad shacab ah oo beeraley ahaa, Abaanduulaha oo arimahaasi soo hadal qaaday ayaa waxa uu sheegay in arrintaasi ay maqleen, kuna wadaan baaritaan xaqiijin ah.