Gen. Mukhtaar oo kormeeray saldhigyada Booliska Baydhabo

Baydhabo-GNNFM- Sareeye Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax oo ah Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa maanta kormeer ku tagay Saldhiga guud ee looga taliyo Ciidamada Booliska Koonfur Galbeed iyo Saldhiga Barri.

Gen. Mukhtaar Kormeerkiisa waxaa ku wehlinayay Taliyeyaasha Booliska Dowlad Goboleedyada, Xubno ka socday Wasaaradda Amniga Soomaaliya, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed Xasan Xuseen iyo xubno kale.

Magaalada Baydhabo waxaa ku sugan Saraakiisha ugu sareysa Booliska Federaalka iyo Taliyeyaasha Booliska Dowlad Goboleedyada, waxayna halkaasi uga qeyb galayaan wajiga labaad ee shirka Booliska, oo shalay furmay.

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa kormeeray dhammaan xafiisyada ku yaalla labada saldhig ee uu booqday, wuxuuna sheegay in la daboolayo baahiyaha ka jira saldhigyada Booliska ee ku yaalla degaanada Koonfur Galbeed.

Sareeye Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax ayaa intii uu ku guda jiray kormeerkiisa waxa uu Ciidamada ku dhiirageliyay in ay shaqadooda laba jibaaraan, isaga oo raga qaar gudoonsiiyay abaalmarino lacageed.