Gen. Mukhtaar oo xalay la kulmay laamaha amniga KGS

Sareeye Guuto Mukhtaar Xuseen Afrax oo ah Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo xalay ku hoyday magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay ayaa la kulmay laamaha amniga Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Shalay magaalada Baydhabo waxaa gaaray wafdi uu hoggaaminayo Taliye Mukhtaar, ujeedka Safarka Taliyaha iyo wafdigiisa ayaa ah in Magaaladda Baydhabo uu uga qeyb galo wajiga Labaad ee Shirka Booliska Federaalka iyo Dowlad goboleedyada oo halkaasi ka furmaya.

Gen. Mukhtaar iyo saraakiisha la socota ayaa kulamo gaar gaar ah oo is xog wareysi ah la qaatay laamaha amniga Koonfur Galbeed oo ay ugu horeeyaan Wasiirka Amniga Maamulka Koonfur Galbeed Xasan Xuseen, Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka Gen. Mahad C/raxmaan Aadan iyo saraakiil kale.

Kulamada dhinacydan ayaa waxaa looga hadlay baahiyaha dhanka amni ee ka jira degaanada Koonfur Galbeed, waxayna isla meel dhigeen qodobo dhowr ah, oo la xiriira ammaanka degaanada Maamulka.

Ku simaha Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya waxaa Safarka ku wehlinaya dhammaan Taliyeyaasha Booliska Dowlad Goboleedyadda, masuuliyiin ka kala socota Wasaaradda Amniga Qaranka iyo Wasaaradaha Amniga maamulada dalka ka jira.

Ammaanka magaalada Baydhabo ayaa si aad ah loo adkeeyay, waxaana xerooyinkooda laga soo saaray Ciidamo cusub, kuwaasi oo sugidda amniga ka qeyb qaadanaya inta Gen. Mukhtaar iyo wafdigiisa ay ku sugan yihiin halkaasi