General Bariise”Hadii Laba Amar Bixi Jirtey Hal Amar Ayuu Amnigii Ku Soo Aruuray”

Hadalkan ayuu sheegay General Cabdullaahi Xasan Bariise oo ah taliyaha Ciidanka hoggaanka ilaalinta canshuuraha iyo dhaqaalaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed xilli uu la hadlayey Tv-ga Somalia Cable oo ka mid ah kuwa ku hadla Afka Soomaaliga.

Waxa uu sheegay in amniga Muqdisho uu xilligaan uu wax iska bedelay,tan iyo markii ciidanka Nabadsugida lagu biiriyey Booliska Soomaaliya,isla markaana hal talis looga arimiyo amniga Muqdisho.

“Runtii waa Alle Mahadiis mar hadii hal talis uu amarka ka wada baxayo,oo ciidamadii Nabadsugida ee lagu biiriyey ay ka amar qaadanayaan taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed,Hadii ay bixi jirtay laba Amar Maanta hal amar ayuu Amnigii Ku Soo Aruuray ayuu yiri General Bariise.

Dhawaan ayaa waxaa Ciidamadii Nabadsugida Soomaaliya lagu biiriyey Ciidanka booliska Soomaaliya,kuwaas oo lagu wareejiyey amniga Magalada Caasimadda ah ee Muqdisho.