GMXIQ iyo Hay’adaha Garsoorka oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xuquuqda Aadanaha

Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed (GMXIQ), oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka, xubnaha guddiga iyo Agaasimaha Guud, ayaa kulan wadajir ah la yeeshay madaxda Garsoorka iyo Xeer Ilaalinta dalka, si ay uga wada hadlaan xoojinta iskaashiga ku saabsan horumarinta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha, ku dhaqanka sharciga, iyo dhismaha nidaam garsoor oo hufan kana turjumaya caddaalad dhab ah.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kaalinta muhiimka ah ee hay’adaha garsoorku ku leeyihiin ilaalinta xuquuqaha dastuuriga ah, dhowrista habraacyada caddaaladeed, madaxbannaanida garsoorka, iyo xoojinta kalsoonida shacabka ee nidaamka caddaaladda dalka. Waxaa sidoo kale laga wada hadlay muhiimadda ay leedahay isla xisaabtanka iyo in bulshada loo xaqiijiyo adeeg garsoor oo caddaalad ku dhisan.

Labada dhinac ayaa adkeeyey muhiimadda wada shaqeyn dhow oo dhexmarta hay’adaha Garsoorka, Xeer Ilaalinta iyo Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha, si loo xoojiyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta iyo dhowrista sharciyada dalka. Doodaha ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray xaqiijinta maxkamadeyn caddaalad ah, hagaajinta xaaladaha xabsiyada iyo maxaabiista, iyo ilaalinta dadka nugul ee bulshada kamidka ah.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu falanqeeyey muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda ay si joogto ah u yeeshaan wada shaqeyn iyo wada hadal ku saleysan taageeridda ku dhaqanka sharciga, ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyo dhismaha nidaam dowladeed oo shacabka ay ku kalsoon yihiin. Waxaa la xusay in arrimahan lagu saleynayo Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha oo Soomaaliya qayb ka tahay.

Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ayaa xusay in ay dhawaan kulamo la yeesheen Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo saraakiisha sare ee ciidanka, kuwaas oo iyaguna door muhiim ah ku leh ilaalinta xuquuqda aadanaha, sugidda amniga iyo maamulka caddaaladda dalka.

Ugu dambeyn, hoggaanka Guddiga ayaa bogaadiyey wada shaqeynta iyo soo dhoweynta wanaagsan ee ay kala kulmeen hay’adaha dowladda, iyaga oo markale adkeeyey waajibaadka dastuuriga ah ee saaran guddiga ee la xiriira ilaalinta xuquuqda aadanaha, la socodka u hoggaansanaanta sharciga iyo horumarinta isla xisaabtanka hay’adaha dowladda.