Guddiga Madaxa-Bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa soo gabagabeeyey barnaamij is-weydaarsi aqooneed oo socday muddo toddobaad ah, kaas oo ay si wadajir ah u martigeliyeen Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xuquuqul Insaanka (OHCHR) iyo Guddiga Qaranka Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNCHR). Barnaamijkan ayaa qeyb ka ahaa dadaallada joogtada ah ee Guddigu ku xoojinayo awooddiisa hay’adeed, si uu u noqdo hay’ad madax-bannaan, hufan, isla markaana lagu kalsoonaan karo.
Wafdiga ka socday GMXIQ waxaa hoggaaminayay Guddoomiye Ku-xigeenka Guddiga, Maxamed Haaruun Maxamuud, waxaana xubno ka ahaa Xoghayaha Guddiga, Faadumo Cabdiqani Yuusuf, Komishinerada Farxaan Maxamed Jimcaale iyo Cali Maxamed Cilmi, iyo Agaasimaha Guud ee Guddiga, Mustafa Axmed Maxamuud. Intii uu socday barnaamijku, wafdigu waxa ay kulamo iyo dood-wadaag la yeesheen mas’uuliyiin iyo khubaro ku takhasusay xuquuqda aadanaha, iyaga oo ka faa’iideystay waayo-aragnimada iyo hababka shaqo ee hay’adaha martigeliyey.
Barnaamijkan aqooneed ayaa diiradda lagu saaray dhismaha iyo adkaynta hay’adda, si ay u waafaqdo Mabaa’diida Paris (Paris Principles), kuwaas oo ah halbeegyada caalamiga ah ee hagaya hay’adaha qaran ee xuquuqda aadanaha. Sidoo kale, waxaa laga dooday qaababka ugu wanaagsan ee lagu horumarin karo ilaalinta, kor u qaadista iyo u doodista xuquuqda aadanaha, iyadoo la xoojinayo hannaanka maamulka, isla xisaabtanka iyo madaxbannaanida hay’adda.
Barnaamijku waxa uu sidoo kale door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga u dhexeeya guddiyada xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya iyo Kenya. Is-dhaafsiga aqoonta, waayo-aragnimada iyo dhaqamada wanaagsan ayaa horseed u noqon doona dadaallo mideysan oo lagu horumarinayo ilaalinta xuquuqda aadanaha, isla markaana lagu xaqiijinayo in shacabka labada dal ay helaan hay’ado awood leh oo u taagan difaaca iyo dhiirrigelinta xuquuqdooda aas-aasiga ah.
Ugu dambeyntii, GMXIQ ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay sii xoojinta awooddeeda iyo horumarinta shaqadeeda, iyada oo ka faa’iideysaneysa iskaashiga ay la leedahay hay’adaha caalamiga ah iyo kuwa gobolka, si loo xaqiijiyo ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo dhismaha hay’ad qaran oo waafaqsan heerarka caalamiga ah.