GMXIQ Oo Walaac Ka Muujisay Dhacdadii Digta Margoos Ee Dadka Rayidka Ah Waxyeelladu Ka Soo Gaartay

Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed (GMXIQ) ayaa si rasmi ah u muujiyay walaac xooggan oo ku saabsan dhacdo ka dhacday deegaanka Digta Margoos ee gobolka Jubbada Hoose, halkaas oo wararku sheegayaan in dad rayid ah ay ku dhinteen ama ku dhaawacmeen. Guddigu wuxuu sheegay in dhacdadan ay tahay mid u baahan baaritaan dhab ah maadaama ay khuseyso badqabka shacabka iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Iyadoo la gudanayo waajibaadkeeda dastuuriga ah ee ilaalinta iyo dabagalka xuquuqda aadanaha, GMXIQ waxay sheegtay inay si degdeg ah u billowday baaritaan hordhac ah si loo xaqiijiyo xaqiiqooyinka ku saabsan dhacdada. Baaritaankan waxaa qayb ka ah uruurinta xogaha laga helayo maamulka deegaanka, bulshada deegaanka, markhaatiyaal suuragal ah, iyo dhammaan dhinacyada ay arrintani quseyso. Ujeeddadu waa in si sax ah loo fahmo waxa dhacay, cidda waxyeelladu gaartay, iyo sida ay wax u dhaceen.

Guddigu wuxuu si cad u adkeeyay muhiimadda ilaalinta nolosha dadka rayidka ah, isagoo xusay in shacabka aan dagaalka ku lugta lahayn ay mudan yihiin badbaado, daryeel iyo dhowris sharciyeed. Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay hay’adaha amniga iyo garsoorka inay si xilkasnimo leh u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay xaqiijiyaan in dhacdada si hufan loo baaro, cid kasta oo mas’uuliyad lehna lala xisaabtamo haddii loo baahdo.

Guddoomiyaha guddiga, Dr. Maryan Qaasim Axmed, ayaa tacsi u dirtay qoysaska, ehellada iyo dhammaan bulshada ay saamaysay dhacdadan murugada leh, iyadoo muujisay sida ay uga xun yihiin khasaaraha dhacay iyo dhibaatada soo gaartay shacabka.

Ugu dambayn, GMXIQ waxay dib u xaqiijisay sida ay uga go’an tahay korjoogtaynta, baarista iyo ka warbixinta xaaladaha xuquuqda aadanaha ee Soomaaliya, si loo xaqiijiyo isla-xisaabtan, caddaalad iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, gaar ahaan dadka rayidka ah ee dhibaatadu saameyso.