Gobollo kamid ah Dalka Hindiya oo maanta ka dhacayso Doorasho

Dalka Hindiya waxaa maanta oo Talaado ah ka dhacaysa Doorashada wajiga saddexaad oo ay ku loolamayaan mucaaradka iyo xisbiga talada Dalkaas haya si loo xaqiijiyo awoodda dhinac weliba uu ku leeyahay Dadka codaynaya.

11 Gobol oo kamid ah Gobollada Dalkaas isla markaana uu ku jiro kan uu kasoo jeedo Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ee Gujarat ayaa laga codaynayaa iyada oo dhinacyada loolamaya ay indhaha la raacayaan natiijada ay filan karaan.

Hindiya waxa ay Doorashada ka billaabatay 19kii Abriil sanadkaan 2024 iyada oo la qabtay wareegyada 1aad iyo 2aad halka wajiga 3aad maanta si toos ah loo guda-galayo sida ay xaqiijiyeen xubno katirsan guddiga Doorashadaas maamulaya.

Tirinta codadka la dhiibtay saddexda heer waxaa la billaabi doonnaa 4ta bisha soo socota ee Juun 2024 kaddib waxaa la shaacin doonnaa natiijada iyo sida ay codadku u kala heleen musharrixiinta loolanka adag u galay kuraasta lagu kala adkaaday.

Xisbiga BJP ee Ra’iisul Wasaaraha talada haya waa ninka lagu magacaabo Narendra Modi ayaa aad loo hadal haya in uu ku guulaysan doonno Doorashada aanay la hayn natiijadeeda waxaana qiyaastaas lagu adkaynaya codaynta meelaha qaar ka dhacday.