Golaha Ammaanka ee Qaramada ayaa fadhi gaar ah lagu wadaa in uu ka yeesho qorshaha howlgalka cusub AUSSOM ee baddelaya kan ATMIS oo ku siman marka la gaaro 31ka Deseembar oo ah dhammaadka sanadkaan 2024.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa diyaarisay qorshaha dalalka xubnaha ka noqonaya howlgalkaas, siyaasaddiisa, qaabka loo gacansiinayo Ciidamada Soomaalida & arrimaha kale ee looga baahan yahay howlgalkaas.
Sida muuqata waxaa laga reebay Ciidanka Dowladda Federaalka Itoobiya kaddib markii Xukuumadda Abiy aanay isbaddel ku sameyn xadgudubkii ay u geysatay Madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka Jamhuuriyadda Soomaaliya.
Labada daraf ay kala taagan yihiin Soomaaliya & Itoobiya ayaa waqtiga kusii gaabisay fursadda Addis Ababa ay u heli karto in ay hesho doodo maangal ah oo ay ku difaaci karto is afgaradkii ay la gashay Maamulka Somaliland isla markaana xubin uga noqon lahayd AUSSOM.
Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa bixinaya lacagaha ku baxaya Ciidamada AUSSOM, Midowga Afrika ayaa sidoo kale garab istaag aan buurnayn siin doonna halka Dowladda Federaalka Soomaaliya ay awood u leedahay in ay iska reebto Dalkii ku xadgudba.