Golaha ammaanka ee QM oo isku raacay muddo kordhinta xafiiska UNSOM

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku dhawaaqay in Muddo kordhin loo sameeyay Xafiiska Qaramada Midoobey ee ka howlgalla Gudaha Soomaaliya.

Shir ay ku yeesheen magaalada New York Golaha Ammaanka  ayay ku meel mariyeen qaraar waqtiga loogu kordhinayo Xafiiska Siyaasadda ee Qaramada Midoobey ee Soomaaliya UNSOM.

Waxaa ay si weyn uga doodeen xubnaha Golaha ammaanka ee QM ahmiyadda howl galka Xafiiska UNSOM ee dadaalada nabadda, dib u heshiisiinta iyo taageerada uu siiyo dowladda Soomaaliya.

Golaha ayaa isku raacay in muddada xafiiska uu shaqeynayo la gaarsiyo ilaa 31 Maarso 2019,si loo dardargeliyo howlaha muhiimka ah oo xafiiskaasi uu ka haya Soomaaliya,gaar ahaan taageeridda barnaamijyada horumarineed ee hay’adaha dastuuriga ah ee Dalka.

Soo jeedinta Qaraarka loogu kordhiyay waqtiga xafiiska UNSOM ee Soomaaliya ayaa la hayad Dowladda Britain,maadaama xafiiska shaqadiisu ay ku ekeyd 2018,balse weli ay jirto baahiyo loo qabo in mudada loo kordhiyo,si loo dhameystiro howlaha muhiimka ah ee taageeridda Soomaaliya.

Xafiiska Siyaasadda ee QM UNSOM ayaa loogu talagalay in dowladda Soomaaliya uu ka taageero dhinacyada siyaasadda,dhaqaalaha,dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Dalka,waxaana la aas aasey sanadka markuu ahaa 2013.