Golaha ammaanka oo isku raacay in la kordhiyo taageerada AMISOM

Golaha Ammaanka oo Arabacadii shalay yeeshay kulan ayaa waxa ay falanqeeyeen weerarada xoogaga ururka Al-shabaab ee ka dhanka ah fariisimaha Ciidanka Midowga Afrika ee AMIOSM gaar ahaan kuwa Uganda ay ku leeyihiin Gobolada dalka.

Laba nin oo ka tirsan Shabaab oo kaxeynaayay gawaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa 1-dii bishan April isku qarxiyay Saldhiga ciidamada AMISOM ee degaanka Buulo Mareer oo Gobolka Shabeellaha Hoose.

Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ayaa waxa ay tusaale u soo qaateen weerarkaasi, waxayna tilmaameen in falkaasi ay aad uga xun yihiin oo aysi wadajir ah u cambaareynayaan.

“Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa xaqiijiyay in Argagixisada dhammaan qaabkeeda iyo muuqaalkeedu ka dhigan yahay mid ka mid ah kooxaha ka soo horjeeda Nabadda Adduunka iyo ammaanka, waxaan ka xunnahay weerarkii dhcay 1-dii bishan, talaabo sibedel ah ayaa jiri doonta.” Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Golaha.

Waxay hoosta ka xariiqeen Golaha baahida loo qabo in la keeno dembiileyaasha, qaban qaabiyeyaasha, maal-galiyeyaasha iyo kafaalad-qaadayaasha ficilladan, taasi bedelkeeda ayay isku raaceen in ay kordhin doonaan taageerada dhaqaale ee ay siinayaan Ciidanka AMISOM, si ay u yareeyaan weerarada khatarta leh ee Al-shabaab.

Ugu dambeyntii Golaha ammaanka ayaa waxa ay sheegeen in ay u mahadcelinayaan dhammaan hawlwadeenada caalamiga ah ee ka shaqeynaya inay nabad iyo xasillooni ka dhalato Soomaaliya.

Ururka Al-shabaab ayaa waxa ay sheegeen weerarkii Buula Mareer in ay ku dileen 59 Askari oo AMISOM ahaa, balse Dowladda Uganda oo dagaalkan uu qabsaday ciidankooda ayaa waxa ay beenisay warkan, waxayna tilmaamtay in ay dishay 22 Shabaab ah.

SHARE

Facebook
Twitter