Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu maalinta Isniinta ah yeesho kulan degdeg ah, kaddib go’aankii ay Israa’iil ku shaacisay aqoonsi ay ugu yeertay in ay siisay gobolka Somaliland, taas oo dhalisay falcelin xooggan iyo walaac caalami ah.
Kulankan degdegga ah ayaa kusoo aadaya xilli ay cirka isku shareertay xiisadda diblomaasiyadeed ee u dhexeysa Soomaaliya iyo Israa’iil, iyadoo go’aankaasi si weyn u taabanayo madax-bannaanida, midnimada dhuleed iyo qaranimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Dowladda Soomaaliya ayaa si cad u muujisay inay gebi ahaanba diidan tahay tallaabo kasta oo wax u dhimaysa midnimada dalka.
Arrinta ayaa sii yeelatay xasaasiyad gaar ah maadaama ay imanayso maalmo kooban ka hor inta aysan Soomaaliya si rasmi ah ula wareegin madaxtinimada wareegta ah ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay, taas oo fursad u siinaysa Muqdisho inay si toos ah u muujiso mowqifkeeda una difaacdo danaha qaranka Soomaaliyeed.
Diblomaasiyiin iyo falanqeeyayaal caalami ah ayaa sheegaya in go’aanka Israa’iil uu halis ku yahay xasilloonida Geeska Afrika, isla markaana uu keeni karo xiisado hor leh oo saameeya amniga gobolka iyo xiriirka caalamiga ah. Golaha Ammaanka ayaa la filayaa inuu kulankan kaga doodo saameynta siyaasadeed iyo midda amni ee ka dhalan karta arrintan, iyo sidoo kale sida ay Qaramada Midoobay uga falcelin karto.
Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay in arrimaha la xiriira dhulkeeda iyo mustaqbalkeeda ay yihiin kuwo u gaar ah shacabka Soomaaliyeed, isla markaana aan la aqbali karin wax faragelin ah oo dibadeed.