Golaha Ammaanka oo ka shiraya xaalada Iran iyo Israel

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta oo Axad ah isugu imaanaya shir degdeg ah oo ku saabsan diyaaradaha aan duuliyaha lahayn iyo gantaalada ay iran ku weerartay Israa’iil, sida uu sheegay madaxweynaha golahaas.

Kulanka waxaa dalbatay Israa’iil oo warqad u dirtay madaxweynaha golaha Vanessa Frazier, in weerarradan ay “khatar weyn ku yihiin nabadda iyo ammaanka caalamiga ah”.

Waxay waydiisanaysaa Golaha Ammaanka inuu u aqoonsado Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah – laanta koowaad ee ciidamada qalabka sida ee Iran – urur argagixiso.

Kulanka degdega ah waxaa loo qorsheeyay kow iyo tobanka fiidnimo ee xalay.

Dhinaca kale, Aqalka Cad ee Mareykanka ayaa sheegay in weerarka uu qaadan doono saacado. Hoggaamiyaha sare ee Iran Ayatlollah Ali Khamenei ayaa sheegay “in taliska shaydaanka ah ee Sahyuuiyadda la ciqaabi doono.”

Kowdii April, duqeyn ayaa lala beegsaday qunsuliyadda Iran ee Dimishiq, waxaana lagu dilay jeneraal iyo lix sarkaal oo sare oo ka tirsan Ilaalada Kacaanka, ayada oo Khamenei uu maalinkii ciidda ballan-qaaday aargudasho.