Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si aqlabiyad leh u ansixiyay go’aan lagu kordhinayo muddada Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) illaa dhammaadka sannadka soo socda.
Howlgalka AUSSOM, oo ah hawlgal nabad-ilaalin ah kana hoos shaqeeya Midowga Afrika, ayaa loo aas-aasay taageeridda kala-guurka amniga Soomaaliya, xoojinta xasiloonida dalka, iyo la dagaallanka kooxaha argagixisada ah gaar ahaan al-Shabaab. Howlgalkani waxa uu door muhiim ah ka qaadanayaa sugidda amniga guud, ilaalinta hay’adaha dowliga ah, iyo taageeridda dadaallada ay wado Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha ciidan qaran oo awood u leh la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka.
Sidoo kale, Golaha Ammaanka ayaa go’aamiyay in Howlgalka Ku-Meel-Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) uu si rasmi ah u soo gabagabeyn doono hawlihiisa bisha Oktoobar 2026.
UNTMIS waxaa loo qorsheeyay inuu bixiyo taageero siyaasadeed, mid farsamo iyo mid istiraatiiji ah oo ku wajahan hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo diiradda la saarayo xoojinta dowladnimada, taageeridda geeddi-socodka dimuqraadiyeynta, dib-u-habeynta hay’adaha amniga, iyo u diyaargarowga hannaan doorashooyin loo dhan yahay.
Go’aamadan ay gaareen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay waxay muujinayaan sii socoshada taageerada caalamiga ah ee Soomaaliya, iyagoo isla markaana tilmaamaya marxalad kala-guur ah oo mas’uuliyadaha amniga iyo hoggaaminta siyaasadeed si tartiib ah loogu wareejinayo hay’adaha Soomaaliyeed.