Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaamiyaha cusub ee Dowlad Goboleedka Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka, Mudane Cabdiwali Ibraahim Aadan (Garyare), oo loo doortay hoggaanka cusub ee maamulka Galmudug.
Golaha ayaa hoggaanka cusub u rajeeyay in Alle SWT u fududeeyo gudashada mas’uuliyadda culus ee loo igmaday, isla markaana ay ku guuleystaan waajibaadka loo doortay, iyagoo ka shaqeynaya horumarinta maamulka, xoojinta nabadda iyo midnimada bulshada Galmudug.
Sidoo kale, Golaha Aqalka Sare ayaa shacabka Galmudug u rajeeyay nabad, midnimo, horumar iyo isbeddel miro-dhal ah oo wax ka tara nolosha bulshada, isla markaana horseeda barwaaqo iyo horumar waara.
Goluhu wuxuu muujiyay rajada laga qabo in hoggaanka cusub uu ka shaqeeyo danta guud, xoojinta wadajirka bulshada iyo horumarinta Galmudug, si ay uga faa’iideystaan fursadaha horumarineed ee jira, iyadoo la xoojinayo wada-shaqeynta iyo iskaashiga ka dhexeeya bulshada iyo hay’adaha maamulka.
Ugu dambayn, Golaha Aqalka Sare ayaa u rajeeyay hoggaanka cusub ee Galmudug guul iyo inuu si hufan u guto waajibaadka loo igmaday, halka shacabka Galmudug iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeedna loo rajeeyay nabad, xasillooni iyo horumar waara.