Xubnaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay Hindise-sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Maareynta Deegaanka, kaas oo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nidaamka sharciyeed ee dalka u dejisan ilaalinta iyo maaraynta deegaanka.
Codbixinta oo ka dhacday kulanka maanta ee Golaha Aqalka Sare ayaa waxaa ka qeybgalay 28 Senator, kuwaas oo dhammaantood codkooda oggolaanshaha siiyay hindise-sharciyeedka. Ma jirin Senator diiday ama ka aamusay codbixinta, taas oo ka dhigan in dhammaan xubnihii kulanka soo xaadiray ay taageereen ansixintiisa.
Hindise-sharciyeedkan ayaa saldhig u noqonaya dhismaha Hay’adda Maareynta Deegaanka, oo la doonayo in ay ka shaqeyso nidaaminta iyo isku-dubbaridka howlaha la xiriira ilaalinta deegaanka, maaraynta kheyraadka dabiiciga ah iyo wax ka qabashada caqabadaha deegaanka ee dalka ka jira.
Arrimaha deegaanka ayaa ka mid ah kuwa muhiimka ah ee Soomaaliya wajahdo, gaar ahaan xaalufka dhirta, nabaad-guurka dhulka, qashinka, wasakhowga iyo saameynta isbeddelka cimilada oo dhibaato ku haya bulshada iyo hab-nololeedka dadka Soomaaliyeed.
Ansixinta hindise-sharciyeedkan ayaa qeyb ka ah doorka sharci-dejinta ee Golaha Aqalka Sare, kaas oo ay waajib ka saaran tahay ka qeybqaadashada dejinta iyo ansixinta sharciyada dalka, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha bulshada iyo ilaalinta danaha guud.
Tallaabadan ayaa la filayaa inay sii waddo hannaanka sharciyeed ee dhismaha hay’adda, si loo helo hannaan dowladeed oo si gaar ah ugu shaqeeya arrimaha maaraynta iyo ilaalinta deegaanka Soomaaliya.