Golaha Iskaashiga oo Edeyn ujeediyay Dowlada dhexe

War kasoo baxay Golaha Iskaashiga maamul goboleedyadda ayaa lagu Cambaareeyay faragalin ay sheegeen in dowladda dhexe ee Soomaaliya ay ku heyso dowlad goboleedyadda gaar ahaan doorashadda maamulka Koonfur Galbeed.

Golaha ayaa soo dhaweeyay Iscasilaadii Guddiga doorashada maamulka Koonfur Galbeed oo ay sheegeen in ay kasoo horjeesteen Musuq maasuqa dowladda dhexe ay waddo.