Golaha Iskaashiga oo ka hor yimid shirkii markale uu ku baaqay Farmaajo

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa shalay isaga oo garwaaqsan baahida loo qabo ilaalinta midnimada, isla markaasna tixraacaya shirkii ay bishan Oktoober yeesheen madaxada Dowlad Goboleedyada, wuxuu mar kale ku celiyay baaqiisii ku aaddanaa in shir wadatashi ah ay ka soo qeyb galaan Madxda Dowlad Goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan.

Wasiirka Dastuurka Koonfur Galbeed ahna afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada Cabdullaahi Sheekh Xasan oo la hadlay warbaahinta  ayaa wuxuu sheegay ilaa hadda in aysan arkin warqad martiqaad oo ka socota madaxweynaha Soomaaliya, taasi oo si toos ah u soo gaartay, balse keliya lagu faafiyay baraha bulshada.

“Warqadaasi annaga ma aanu arkin, balse baraha bulshada ayay dhex yaaceysaa, mar waxaa la leeyahay madaxweynaha ayaa qoray, marna wasiirka arrimaha gudaha ayaa qoray, annaga xafiiskeena weli ma soo gaarin warqadda, hadii ay soo gaarto ayaan ka hadli karnaa”. ayuu yiri Cabdullaahi Sheekh Xasan.

Wuxuu sheegay afhayeenka golaha iskaashiga dowlad goboleedyada inay ka war sugayaan go’aanka ay soo saaraan aqalka sare, isaga oo sidoo kale tilmaamay in mar walba ay diyaar u yihiin in la helo xal waara oo lagu dhameeyo tabashada jirta.

Khilaafka u dhaxeeya dowladda dhexe iyo madaxda maamul goboleedyada ayaa xoogeystay tan iyo markii magaalada Kismaayo ay golaha iskaashiga ku yeesheen shir wadatashi ah, ilaa haddana ma jirto isku soo dhawaansho labada dhinac ah.