Golaha Shacabka oo ansixiyay heshiis la xiriira Urur-Goboleedka IGAD

Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (BJFS) ayaa maanta kulan rasmi ah ku yeeshay xarunta Golaha, iyagoo ka dooday heshiiska lagu dhisay Urur-Goboleedka IGAD. Kaddib dood iyo falanqeyn la xiriirtay muhiimadda uu heshiiskani u leeyahay iskaashiga dalalka gobolka, waxaa la guda galay cod u qaadista heshiiskaas.

Natiijada codbixinta ayaa muujisay in 141 xildhibaan ay u codeeyeen ansixinta heshiiska, halka laba xildhibaan ay si cad uga horyimaadeen, hal xildhibaanna uu ka aamusay. Sidaas darteed, heshiiska lagu dhisay Urur-Goboleedka IGAD ayaa si rasmi ah u ansaxay, wuxuuna noqday mid sharci ahaan dhaqan galay, maadaama uu helay aqlabiyad buuxda oo ka tirsan Golaha Shacabka.

Mas’uuliyiinta Golaha ayaa sheegay in ansixinta heshiiskan ay muujinayso sida ay Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta iskaashiga dalalka gobolka, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada, horumarinta dhaqaalaha, iyo ka jawaabidda caqabadaha wadajirka ah ee saameeya Geeska Afrika. Sidoo kale, waxay tilmaameen in IGAD ay door muhiim ah ka qaadato xal u helidda khilaafaadka, arrimaha bini’aadantinimo, iyo is-dhexgalka siyaasadeed ee dalalka xubnaha ka ah.

Gunaanadkii kulanka, Guddoonka Golaha Shacabka ayaa bogaadiyay xildhibaanada ka qayb qaatay doodda iyo codbixinta, isagoo xusay in ansixinta heshiiskan ay tahay tallaabo kale oo muhiim u ah doorka Soomaaliya ee arrimaha gobolka iyo adkaynta xiriirka ay la leedahay dalalka deriska ah.