Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan rasmi ah ku yeeshay xarunta Golaha, iyaga oo si aqlabiyad leh u ansixiyay Hindise Sharciyeedka Macdanta Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya (JFS), kaddib dood dheer iyo falanqeyn qoto dheer oo laga yeeshay qodobada sharciga.
Kulanka oo ay ka soo qeyb galeen xildhibaanno tiro badan ayaa lagu soo bandhigay muhiimadda uu sharcigan u leeyahay dalka, gaar ahaan nidaaminta, ilaalinta iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka macdanta Soomaaliya. Ugu dambeyn, cod gacan-taag ah oo loo qaaday hindisaha ayaa muujiyey in 141 xildhibaan ay oggolaadeen, laba xildhibaan ay diideen, halka hal xildhibaan uu ka aamusay.
Hindise Sharciyeedka Macdanta ayaa lagu tilmaamay mid saldhig u noqonaya maamul hufan oo lagu hago sahminta, soo saarista iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka macdanta dalka, iyada oo la xaqiijinayo ilaalinta deegaanka, danaha shacabka, iyo midnimada federaalka. Sharcigan ayaa sidoo kale qeexaya waajibaadka iyo masuuliyadaha dowladda federaalka, dowlad-goboleedyada, iyo maalgashadayaasha ka shaqeynaya macdanta.
Xildhibaanno ka hadlay kulanka ayaa tilmaamay in ansixinta sharcigan ay tahay tallaabo muhiim ah oo horseedi karta koboc dhaqaale, abuurista fursado shaqo, iyo soo jiidashada maalgashi sharciyeysan oo waafaqsan danta qaranka, isla markaana lagu xakameynayo ka faa’iidaysiga sharci-darrada ah ee kheyraadka dabiiciga ah.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo kulanka guddoominayey ayaa bogaadiyey doorka xildhibaannada, isaga oo xusay in sharcigan uu ka mid yahay sharciyada muhiimka ah ee dalka u gogol xaaraya horumar waara iyo maamul wanaag ku saleysan hufnaan iyo isla xisaabtan.
Hindise Sharciyeedka Macdanta JFS ayaa haatan u gudbi doona Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, si ay uga doodaan una ansixiyaan, ka hor inta uusan madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya saxiixin oo uusan si rasmi ah u noqon sharci dhaqan gala.