Golaha Shacabka oo Ansixiyey Hindise-Xeerka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kulanka 24-aad ee kalfadhiga 8-aad, kaas oo uu shir-guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), waxaana ku wehelinayey Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ku furmay kooram dhan 140 Xildhibaan, waxaana ajandaha ugu muhiimsanaa ka mid ahaa cod u qaadista Hindise-Xeerka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada, kaas oo ay mudanayaashu u codeeyeen kaddib markii la horgeeyay Golaha.

Natiijada codeynta oo uu ku dhawaaqay Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa muujisay in 132 Xildhibaan ay oggolaadeen hindise-xeerka, halka saddex Xildhibaan ay diideen, shan Xildhibaanna ay ka aamuseen. Sidaas darteed, hindise-xeerka ayaa helay taageerada aqlabiyadda mudanayaasha codeynta ka qaybgalay.

Ansixinta hindise-xeerkan ayaa ka mid ahayd hawlaha sharci-dejinta ee Golaha Shacabka, iyadoo mudanayaashu ay sii wadaan ka shaqaynta hindise-sharciyeedyada iyo xeerarka la horgeeyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa akhrinta saddexaad mariyey Hindise-sharciyeedka Macmiilka Danabeysan, iyagoo ka dooday qodobbada ku jira iyo muhiimadda uu u leeyahay dalka. Doodda Xildhibaanada ayaa qayb ka ahayd habraaca sharci-dejinta ee loo marayo hindise-sharciyeedka ka hor inta aan laga gaarin go’aannada xiga ee Baarlamaanka.

Hindise-sharciyeedyada la horgeeyo Golaha Shacabka ayaa mara heerar kala duwan oo ay ka mid yihiin akhrin, dood iyo codeyn, si mudanayaashu ay u qiimeeyaan qodobbada ku jira iyo saameynta ay ku yeelan karaan dalka iyo bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa kulanka soo xiray, isaga oo Xildhibaanada uga mahadceliyey gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale ugu baaqay mudanayaasha inay ilaaliyaan dhaqanka, anshaxa iyo sharafta Golaha Shacabka, isla markaana ay si masuuliyad leh u gutaan waajibaadka sharci-dejinta ee loo igmaday.

Kulankan ayaa qayb ka ah hawlaha joogtada ah ee Golaha Shacabka ee la xiriira ka doodista, dib-u-eegista iyo ansixinta hindise-sharciyeedyada, kuwaas oo loogu talagalay in lagu horumariyo nidaamka sharciyeed ee dalka.