Golaha Shacabka oo Ansixiyey Wax-ka-beddelka Sharciga Iibka Qaranka

Mudanayaasha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa xarunta Golaha Shacabka ku yeeshay kalfadhiga 8-aad, kulankiisa 7-aad, waxaana shir guddoominayey Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo uu wehliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka, Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.

Kulanka ayaa ajandayaashiisa waxaa ugu muhiimsanaa ka doodista iyo ansixinta Hindise Sharciyeedka wax-ka-beddelka qeybta 6-aad ee Sharciga Iibka Qaranka, kaas oo ay Golaha Shacabku cod u qaadeen kaddib markii laga dooday qodobadiisa.

Natiijada codbixinta ayaa noqotay in 136 Xildhibaan ay oggolaadaan, halka 6 Xildhibaan ay diidaan, waxaana 2 Xildhibaan ay ka aamuseen. Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta.

Dhinaca kale, Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Labaad marsiiyey Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale, kaas oo ay Xildhibaanadu ka yeesheen dood dheer oo qaadatay dhowr saacadood.

Xildhibaanada ayaa si gaar ah uga dooday qodobbada ku jira Hindise Sharciyeedkan, iyagoo soo jeediyey aragtiyo iyo talooyin la xiriira sidii loo sii horumarin lahaa sharciga iyo sidii uu uga jawaabi lahaa baahiyaha jira ee dhinaca ilaalinta bulshada iyo xoojinta sharciga.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in doodda ku saabsan qodobbada Hindise Sharciyeedka Dembiyada Kufsiga iyo Anshax-xumada kale ay sii socon doonto kulanka xiga, si Xildhibaanadu fursad ugu helaan inay si faahfaahsan uga doodaan qodobada harsan.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale Xildhibaanada uga mahadceliyey gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah iyo ka qeybgalka doodaha ku saabsan sharciyada muhiimka u ah dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiye Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka inuu mar kale xaadiriyo Xildhibaanada, si loo kala ogaado kuwa kulanka si buuxda uga qeybgalay, kuwa soo xaadiray balse aan fasax haysan oo kulanka ka baxay iyo Xildhibaanada fasaxa qaatay.

Kulanka ayaa qeyb ka ahaa howlaha sharci-dejinta ee Golaha Shacabka, iyadoo mudanayaashu ay sii wadaan ka shaqeynta hindisayaasha iyo sharciyada horyaalla Golaha, kuwaas oo la xiriira maamulka, amniga, dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada.