Golaha Shacabka oo dhaariyey Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga, Akhrinta Koowaadna mariyey laba hindise-sharciyeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo ay wehliyaan Guddoomiye Ku-xigeennada Golaha Shacabka, ayaa maanta shir-guddoomiyey kulanka 31-aad ee Kalfadhiga 8-aad ee Golaha Shacabka, kaas oo looga hadlay arrimo la xiriira howlaha sharci-dejinta iyo hindise-sharciyeedyada horyaalla Golaha.

Ugu horreyn, kulanka ayaa lagu dhaariyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saadaq Cumar Xasan, kaas oo dhowaan loo magacaabay xilkaasi. Dhaarinta Wasiirka ayaa qeyb ka ah habraacyada dastuuriga ah ee lagu dhammaystirayo xilalka mas’uuliyiinta cusub ee dowladda.

Intaas kaddib, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa Akhrinta Koowaad marsiiyey laba hindise-sharciyeed oo kala ah Hindise-Sharciyeedka Diiwaangelinta iyo Ruqsad-siinta Ganacsiga iyo Hindise-Sharciyeedka Sharciga Asalka Badeecadaha, kuwaas oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka ka hor jeediyey faahfaahin ku saabsan labada hindise-sharciyeed, isaga oo sharaxaad ka bixiyey qodobbada ay ka kooban yihiin, ujeeddooyinka laga leeyahay iyo muhiimadda ay u leeyihiin nidaaminta ganacsiga iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Maadaama labada hindise-sharciyeed ay ku jireen marxaladda Akhrinta Koowaad, sida uu dhigayo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka, ma jirin dood rasmi ah oo laga yeeshay qodobbadooda. Si kastaba ha ahaatee, qaar ka mid ah Xildhibaannada ayaa Wasiir Ku-xigeenka weydiiyey su’aalo la xiriira mabaadi’da guud ee hindise-sharciyeedyada iyo saameynta ay ku yeelan karaan ganacsiga dalka.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), oo kulanka soo xiray, ayaa sheegay in labada hindise-sharciyeed ay ka gudbeen marxaladda Akhrinta Koowaad. Waxa uu sidoo kale faray Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka in hindise-sharciyeedyada loo gudbiyo guddiyada ku shaqada leh, si ay u soo diyaariyaan warbixinnada la xiriira Akhrinta Labaad.

Dhanka kale, mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa loo qeybiyey warbixinta Akhrinta Labaad ee Hindise-Sharciyeedka Booliiska Soomaaliyeed iyo warbixinta Akhrinta Labaad ee Heshiiska Qaramada Midoobay ee Sharciga Badaha (UNCLOS), gaar ahaan heshiiska ilaalinta iyo isticmaalka waara ee kala-duwanaanshaha noolaha badda ee aagagga ka baxsan awoodda qaranka (BBNJ).

Kulankan ayaa qeyb ka ah howlaha sharci-dejinta ee Golaha Shacabka, iyadoo ajandayaasha looga hadlay ay diiradda saareen ansixinta iyo diyaarinta sharciyo cusub, nidaaminta ganacsiga, xoojinta hay’adaha amniga iyo ka shaqeynta heshiisyada caalamiga ah ee Soomaaliya ay qeybta ka tahay.