Golaha Shacabka oo maalintii labaad ka doodaya amniga Muqdisho

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan kale oo waxa ay ku yeelanayaan magaalada Muqdisho, kaasi oo daba socda kulankii shalay ee looga hadlayay amniga Muqdisho.

27 xildhibaan oo ka mid ah mudanayaasha ka qeyb galayay dooda ee haray ayaa maanta jeedin doona khudbadahooda ku aadan xaaladaha dalka ka taagan gaar ahaan ammaanka magaalada Muqdisho.

Doodii shalay oo aheyd mid xasaasi ah ayaa xildhibaanada jeediyay khudbaha intooda badan waxa ay walaac ka muujinayeen xaaladaha ammaan ee magalada Muqdisho, iyaga oo xukuumadda ku eedeeyay inay ku fashilantay wax ka qabashada amni darada ka jirta Muqdisho.

Xildhibaan Caasho Koos oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegtay in xilliyada ay marayaan kontoroolada ciidanka ay joogaan ay qariyaan aqoonsiyadooda muujinaya xildhibaanimada, maadaama sida ay sheegtay in aysan kalsooni badan ku qabin ciidanka, sidaasi darteedna ay magaalada ku maraan hooyooyin Soomaaliyeed.

Walaaca dhanka amniga ah ee ay muujinayaan xildhibaanada ayaa ku soo aadaya iyada oo Saddex habeen kahor qarax gaarigiisa loogu xiray uu ku dhaawacmay xildhibaan Maxamed Mursal Maxamed (Boorow).