Golaha Shacabka oo maanta kulan ku leh Muqdisho

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa xalay lagu wargeliyay inay soo xaadiraan kulanka waqtigii loogu tala galay, si uusan u imaan dib u dhac.

Ajendaha kulanka inuu yahay sii wadista codeyn ansixin oo hordhac u ah wax ka badalka xeer hoosaadka golaha shacabka.

Xildhibaanada oo Isniintii kulan yeeshay ayaa waxa ay dood kulul ka yeesheen xeerkan.

Kulanka ayaa waxaa shir guddoomin doona guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan, iyada oo ay goobjoog ka noqon doonaan kuxigeenadiisa.

Ciidamada booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta baarlamaanka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka yar yar ee halkaasi maraya.