Golaha Shacabka oo maanta kulan ku yeelanaya Muqdisho

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah kulan ku yeelanaya magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka ayaa waxa ay warbaahinta  u sheegeen ajandaha kulanka maanta inuu yahay sii wadista ka doodista xeer hoosaadka baarlamaanka.

Kulanka oo uu shir guddoomin doono guddoomiyaha baarlamaanka golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa waxa ay xildhibaanada kaga doodayaan wax ka bedelka xeer hoosaadka baarlamaanka.

Ciidamada booliska ayaa sida caadada aheyd waxa ay xireen wadooyinka ku dhaw xarunta baarlamaanka, waxayna baaritaan dheeraad ah ku sameynayaan gaadiidka yar yar ee halkaasi maraya.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamadii ugu dambeeyay ee ay yeelanayeen waxa ay kaga doodayeen xeer hoosaadka.