Golaha Shacabka oo Maanta kulmaya

Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta oo Arbaco ah  Taariikhduna ku beegan tahay  8/5/2019 kulan ku yeelanaya Xaruntooda Golaha Shacabka ee Magalada Muqdisho.

Ajendaha  kulanka Maanta ayaa ah Akhrinta 2-aad Hindise Sharciyeedka Badroolka, kaas oo horay Xildhibaannada Golaha Shacabka u soo marsiiyeen Akhrinta Koowaad,waxaana kulanka Maanta Isniintii la soo dhaafay u baaqday kooram la’aan.

Guddoonka Golaha Shacbaka ayaa dhawaan shaaciyey inay jiraan in ka badan 143 mudane oo fasax la’aan kulamada Baarlamaanka uga maqan,iyaga oo ku eedeeeyey xil-gudasho la’aan.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa inta ay ku guda jiraan kal-fadhiga 5aad waxaa horyaalla Shaqooyin dhowr ah iyo ajendooyin dhowr ah oo u baahan inay ansixiyaan ama qaarkood ay wax ka bedel ku sameeyaan.