Golaha Shacabka oo Maanta Yeelanaaya Kulan Muhiim ah….

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta la filayaa inay Xarunta Villa Hargeysa ku yeeshaan mid kamid ah kulamadooda caadiga ah.

Guddoonka Golaha shacabka ayaa xalay xildhibaannada u diray farriin ku saabsan inay kasoo qeyb galan Kulanka Maanta ee Golaha, waxaana Ajandaha Kulanka Maanta uu yahay:

  1. Dhamaystirka Kadoodidda Xaaladda Fatahaadaha ka jira dalka iyo Khasaarihii ka dhashay. kulankii qabsoomay 29/11/2023 ayaa lagu go’aamiyaya in loo yeero Wasaaradda Arimaha Gudaha iyo Hay’adda Maareeynta Masiibooyinka Qaranka si ay oga warbixiyaan xaaladaha Fatahaadaha dalka.

Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Kulanka Maanta ay tegi doonaan Mas’uuliyiin katirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya iyo Guddoomiyaha Hay’adda Maareynta musiibooyinka Qaranka Maxamuud Macalin.

Isniintii la soo dhaafay ee todobaadkaan ayuu baaqday Kulankii Golaha Shacabka maadaama jadwalka kulamada todobaadkii ay yihiin Saddex Maalin oo kala ah, Sabti Arbaco iyo Isniin, balse gudoonka aysan soo bandhigin sababaha baaqashada kulanka.