Golaha Wadatashiga Qaranka ayaa kulan ku qabsoomay aaladda muuqaalka fogaan-aragga waxa uu kaga tashtay xadgudubka Dowladda Itoobiya ay ku samaysay Soomaaliya kaddib markii Xukuumadda Addis Ababa ay shaacisay in heshiis is afgarad ah oo dhinaca badda ah ay la gaartay Somaliland.
Kulanka Golaha Wadatashiga Qaranka waxaa shir guddoomiyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxaana ka qaybgalay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Xamsa Cabdi Barre, ku xigeenkiisa Saalax Axmed Jaamac, Madaxda Dowlad-Goboleedyada Koofur Galbeed, Galmudug, Hir-Shabeelle, Jubbaland & Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Qodobadaan ayaan kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka:
1.Golaha Wadatashiga Qaran wuxuu si cad uga soo horjeedaa xadgudubka Itoobiya ee gobnimada iyo midnimada dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
2.Goluhu wuxuu si buuxda u ayidayaa mowqifka iyo qaraarka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay arrinkan ka qaadatey iyo xeerka uu soo saarey BFS ee Burinta waxa lagu tilmaamay Is-Af-garad dhexmaray Maamulka Soomaaliland iyo Dowladda Itoobiya.
3.Goluhu wuxuu Xukuumadda Federaalka Soomaaliya si buuxda ugu garabsiinayaa gudashada waajibaadkeeda Dastuuriga ah ee ku aaddan ilaalinta, dhowrista gobnimada, sharafka iyo midnimada dhuleed iyo dadeed ee dalkeena.
4.Goluhu wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan (dal iyo dibadba) oo ay ugu horreeyaan dadka reer Soomaaliland in ay u midoobaan dhowrista gobnimada, madaxbannaanida iyo midnimada qaranimada Soomaaliyeed.
5.Ugu dambeyn, Goluhu wuxuu ugu baaqayaa Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Ururka Midowga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, Ururka Jaamacadda Carabta, Ururka IGAD, EAC iyo saaxiibbada kale ee caalamka inay garab istaagaan xaqqa Soomaaliya ee ilaalinta gobnimada iyo midnimadeeda dhuleed si waafaqsan shuruucda caalamiga ah.
Xadgudubka Itoobiya ay ku samaysay Madaxbannaanida Soomaaliya ayaa culays xooggan saaray Xukuumadda Abiy Ahmed kaddib markii heshiis ku sheeg uu la galay Somaliland uu ku tilmaamay mid ay Dowladdiisa ku heleyso qayb kamid ah biyaha Soomaaliya gaar ahaan