Golaha Wakiillada Puntland oo Ansixiyay Xasaanadda Qaar ka Mid ah Golaha Wasiirrada

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Mudane Hon. Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha, Hon. Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad, Hon. Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir-guddoomiyay fadhiga 7-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Ajandaha fadhiga maanta ayaa ahaa xasaanadsiinta mas’uuliyiinta cusub ee u baahan oggolaanshaha Golaha Wakiillada. Intii uu socday fadhiga, qaar ka mid ah Wasiirrada la magacaabay ayaa Golaha la wadaagay taariikh-nololeedkooda, khibradooda shaqo iyo waayo-aragnimadooda ku aaddan adeegga dowladnimo iyo maamulka.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland ayaa dood iyo falanqayn kadib cod aqlabiyad leh ku ansixiyay xasaanadda qaar ka mid ah xubnaha Golaha Wasiirrada. Natiijada codbixinta ayaa noqotay in 52 Mudane ay oggolaadeen, 4 Mudane ay diideen, halka 2 Mudane ay ka aamuseen.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ayaa ku dhawaaqay natiijada codbixinta, isagoo sheegay in go’aanka Golaha uu yahay mid waafaqsan nidaamka iyo dastuurka Dowladda Puntland, islamarkaana uu ka tarjumayo shaqada hufan ee Golaha Wakiilladu uu u hayo shacabka Puntland.

Golaha Wakiillada ayaa sidoo kale adkeeyay muhiimadda ay leedahay iskaashi dhex mara Golaha iyo Golaha Wasiirrada si loo dardargeliyo adeegyada dowladda, loona xaqiijiyo horumar waara oo ka hanaqaada Puntland.