Golaha Wakiillada Puntland oo Ansixiyey Soo-jeedinta Wax-ka-beddelka Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon. Abdirisak Ahmed Said, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha, Hon. Mohamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon. Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 22-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta ayaa diiradda lagu saaray qodob muhiim ah oo la xiriira soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland, kaas oo Golaha loo soo gudbiyey kadib markii uu diyaariyey Guddiga Gaarka ah ee Falanqaynta Wax-ka-beddelka Dastuurka Puntland.

Ugu horreyn, Guddiga Gaarka ah ee loo xil saaray arrintan ayaa Golaha Wakiillada la wadaagay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan shaqadii ay soo qabteen, qodobada ay dib-u-eegista ku sameeyeen iyo sababaha keenay soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka. Guddigu wuxuu sheegay in wax-ka-beddelka lagu saleeyey baahida loo qabo horumarinta nidaamka dowladnimo, xoojinta hannaanka dimuqraadiyadda iyo waafajinta qodobbada dastuuriga ah ee la xiriira doorashooyinka.

Mudanayaasha Golaha Wakiillada Puntland ayaa dood dheer iyo falanqeyn qoto dheer ka yeeshay warbixinta guddiga iyo soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka, iyagoo ka hadlay muhiimadda ay leedahay in la horumariyo nidaamka siyaasadeed, la xoojiyo hay’adaha dowliga ah iyo in la abuuro hannaan doorasho oo waafaqsan rabitaanka shacabka Puntland.

Kadib dood iyo qiimeyn socotay, Golaha Wakiillada Puntland ayaa u codeeyey soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka Dowladda Puntland. Natiijada codbixinta ayaa noqotay in 41 mudane ay oggolaadeen, halka aysan jirin cid diidday, waxaana ka aamusay 4 mudane.

Sidaas darteed, Golaha Wakiillada Puntland ayaa ansixiyey soo jeedinta wax-ka-beddelka Dastuurka, taas oo waafaqsan qodobka 139-aad ee Dastuurka Puntland, kaas oo tilmaamaya habraacyada wax-ka-beddelka iyo dib-u-eegista dastuurka.

Ansixintan ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo ku aaddan dib-u-habaynta nidaamka dowladnimo ee Puntland, gaar ahaan dhinacyada doorashooyinka iyo dimuqraadiyeynta, iyadoo la doonayo in la sii xoojiyo ka qaybgalka shacabka iyo hufnaanta geeddi-socodka siyaasadeed.

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland iyo hoggaanka Golaha ayaa ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo midnimada hay’adaha dowladda, lana dardargeliyo howlaha sharci-dejinta ee horseedaya horumar, xasillooni iyo dowladnimo ku dhisan dastuur iyo sharci.