Golaha Wakiillada Puntland oo Ansixiyey Wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir-guddoomiyey Fadhiga 15-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Ajandaha ugu muhiimsan ee fadhiga ayaa ahaa ka doodista iyo meel-marinta wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Dowladda Puntland, kaas oo lagu tilmaamay mid lagu horumarinayo hannaanka doorashooyinka iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

Bilowgii fadhiga, Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada ayaa mudaneyaasha Golaha u soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan qodobbada lagu sameeyay wax-ka-beddelka xeerka, iyagoo sharaxaad ka bixiyay muhiimadda isbeddellada iyo saamaynta ay ku yeelanayaan nidaamka doorashooyinka Puntland.

Kadib dood iyo falanqeyn ay xildhibaannadu ka yeesheen qodobada xeerka, Golaha ayaa cod gacan-taag ah ku ansixiyey wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Dowladda Puntland.

Fadhiga oo ay xaadireen 38 mudane, ayaa 31 mudane u codeeyay ansixinta xeerka, laba mudane ayaa diiday, halka shan mudane ay ka aamuseen.

Gabagabadii fadhiga, Guddoonka Golaha ayaa xildhibaannada u qaybiyey nuqulka wax-ka-beddelka Xeerka Ururrada iyo Xisbiyada Siyaasadda Dowladda Puntland, kaas oo ay Golaha Wasiirradu hore ugu soo gudbiyeen Golaha Wakiillada si loogu bilaabo akhriskiisa koowaad, iyadoo la raacayo xeer-hoosaadka Golaha.

Golaha Wakiillada Puntland ayaa la filayaa inuu dib isugu yimaado Khamiista, 16-ka Luulyo 2026, si uu u sii ambaqaado ka doodista iyo marxaladaha xiga ee xeerarka horyaalla.