Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon. Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo ay weheliyaan Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee Golaha, Hon. Maxamed Baarri Shire, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon. Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 13-aad ee kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Fadhiga maanta ajandihiisu wuxuu ahaa ka doodista wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dawladaha Hoose ee Puntland, kaas oo Golaha Wakiilladu maalintii afraad ku guda jiray akhriska saddexaad, iyadoo la raacayo Dastuurka Dawladda Puntland, gaar ahaan Qodobka 64-aad farqaddiisa 1-aad, Qodobka 3-aad farqaddiisa 1-aad, iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland.
Guddiga Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyadda ee Golaha Wakiillada Puntland, oo mas’uul ka ahaa diyaarinta iyo ka shaqaynta xeerkan, ayaa Golaha u soo bandhigay qodobada wax-ka-beddelka iyo muhiimadda uu xeerku u leeyahay horumarinta nidaamka maamul ee gobollada, degmooyinka iyo dawladaha hoose.
Kadib dood iyo falanqeyn dheer oo ay sameeyeen xildhibaannada Golaha Wakiillada, ayaa cod gacan taag ah lagu ansixiyey wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dawladaha Hoose ee Puntland.
Xeerkan ayaa muhiimad gaar ah u leh xoojinta maamul-daadejinta, horumarinta awoodaha goleyaasha deegaanka, sare u qaadidda hufnaanta maamulka dawladaha hoose, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha maamulka, dardargelinta adeeg-bixinta bulshada, horumarinta degmooyinka iyo tayeynta guud ee hannaanka maamulka gobollada iyo degmooyinka Puntland.
Tirada guud ee xildhibaannadii ka qaybgalay fadhiga waxay ahayd 38 Mudane, waxaana oggol ugu codeeyey 32 Mudane, halka ay diideen 5 Mudane, waxaana ka aamusay 1 Mudane.
Ugu dambeyn, xildhibaannada Golaha Wakiillada Puntland ayaa loo qeybiyey Wax-ka-beddelka Xeerka Diiwaangelinta Cod-bixiyeyaasha Dawladda Puntland, kaas oo Golaha Xukuumaddu soo gudbisay si Golaha uu ugu sameeyo akhriska koowaad, iyadoo la raacayo habraacyada iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland.
Golaha ayaa lagu wadaa inuu dib ugu soo laabto ka doodista arrimaha horyaalla maalinta Sabtida oo ku beegan 11-ka Luulyo 2026, haddii Alle idmo.