Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Mudane Cabdirisaaq Axmed Siciid, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Maxamed Maxamuud Ciise, ayaa maanta guddoomiyey Fadhiga 8-aad ee Kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.
Fadhiga maanta ayaa Golaha lagu guda galay qodobka 6-aad ee ajandaha Kalfadhiga 58-aad, kaas oo khuseeya xeerarka ay xukuumaddu soo gudbiso iyo kuwa uu Golaha Wakiilladu isagu hindiso. Intii uu fadhigu socday, xildhibaannada Golaha ayaa loo qaybiyey nuqulka wax-ka-beddelka Xeerka Maamulka Gobollada, Degmooyinka iyo Dhismaha Dawladaha Hoose ee Puntland, si ay u guda galaan Akhriska 1-aad ee xeerkan, iyadoo loo marayo habraacyada iyo qodobada uu dhigayo Qodobka 58-aad ee Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada Puntland.
Wax-ka-beddelka xeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo maamulka gobollada iyo degmooyinka, isla markaana lagu waafajinayo baahiyaha iyo duruufaha cusub ee jira, si loo helo hannaan maamul oo hufan, isla xisaabtan leh, kana jawaabi kara adeegyada ay bulshada u baahan tahay.
Ugu dambayn, Golaha Wakiillada Puntland ayaa dib isugu soo laaban doona maalinta Sabtida, 27-ka Juun 2026, si loo sii ambaqaado loona dhamaystiro Akhriska 1-aad ee wax-ka-beddelka xeerkan, ka hor inta aan loo gudbin marxaladaha xiga ee doodda iyo ansixinta. Golaha ayaa muujiyey sida ay uga go’an tahay horumarinta sharciyada iyo tayeynta nidaamyada maamulka ee Puntland, iyada oo loo marayo hannaan sharciyeed oo waafaqsan dastuurka iyo xeer-hoosaadka Golaha.