Golaha Wakiillada Puntland oo ka dooday siyaasadda Federaalka iyo marxaladda kala-guurka dalka

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland, Hon. Abdirisak Ahmed Said, oo uu weheliyo Guddoomiye Ku-xigeenka 2-aad ee Golaha, Hon. Mohamed Mahamud Esse, ayaa maanta shir guddoomiyey fadhiga 21-aad ee kalfadhiga 58-aad ee Golaha Wakiillada Puntland.

Fadhiga maanta ayaa ajandihiisu ahaa ka doodista siyaasadda Dowladda Puntland ee ku aaddan arrimaha Federaalka Soomaaliya iyo xaaladda siyaasadeed ee marxaladda kala-guurka, iyadoo xildhibaannadu si qoto dheer uga hadleen arrimo la xiriira mustaqbalka siyaasadeed ee Puntland iyo doorka ay ku leedahay nidaamka federaalka dalka.

Intii uu socday kulanka, xubnaha Golaha Wakiillada ayaa diiradda saaray sidii loo ilaalin lahaa danaha Puntland, loona xaqiijin lahaa in tallaabooyinka siyaasadeed ee la qaadayo ay waafaqsan yihiin Dastuurka Dowladda Puntland, isla markaana ay ka tarjumayaan rabitaanka iyo maslaxadda shacabka Puntland.

Xildhibaannada ayaa sidoo kale ka hadlay habraacyada lagu wajahayo marxaladda kala-guurka ee dalka, iyagoo sheegay in loo baahan yahay in la helo siyaasad cad oo ku saleysan wada-tashi, ilaalinta nidaamka federaalka iyo xoojinta xasilloonida siyaasadeed.

Sidoo kale, doodda Golaha ayaa lagu soo hadal qaaday eedeymo loo jeediyey mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyadoo qaar ka mid ah xildhibaannadu ay sheegeen inay jiraan walaacyo la xiriira habka loo maareynayo arrimaha siyaasadda dalka iyo saameynta ay ku yeelan karto xiriirka u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad-goboleedyada.

Golaha ayaa ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada, wadajirka iyo isku-duubnida shacabka Puntland, iyagoo shacabka iyo hay’adaha dowladda ugu baaqay in si wadajir ah looga shaqeeyo nabadgelyada, xasilloonida iyo difaaca danaha Puntland.

Xildhibaannadu waxay sidoo kale ka digay wax kasta oo dhaawici kara amniga, wadajirka bulshada iyo xasilloonida siyaasadeed ee Puntland, iyagoo ku baaqay feejignaan iyo iskaashi dhinacyada kala duwan ah.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Puntland ayaa Guddiga Siyaasadda, Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha u xil saaray inay soo ururiyaan doodihii, aragtiyihii iyo talooyinkii ay soo jeediyeen xildhibaannada.

Guddiga ayaa dib u eegis ku sameyn doona qodobadii lagu heshiiyay iyo talooyinka la soo bandhigay, kadibna warbixin iyo talooyin rasmi ah ayuu dib ugu soo gudbin doonaa Golaha Wakiillada, si looga dhigo go’aan ay Golaha ku mideysan yihiin.