Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, oo ay weheliso Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Golaha, Marwo Amran Axmed Xasan, ayaa shir-guddoomiyay kalfadhiga 3-aad, fadhigiisa 5-aad ee Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Fadhiga maanta waxaa soo xaadiray 44 mudane oo ka tirsan Golaha Wakiillada, kuwaas oo ka qayb qaatay hawlaha shaqo ee Golaha, gaar ahaan ka doodista hindise sharciyeedka horyaalla iyo qiimeynta qodobada la xiriira.
Intii uu socday fadhigu, Guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee Golaha Wakiillada ayaa mudanayaasha Golaha warbixin ka siiyay shaqada uu guddigu ka qabtay hindise sharciyeedka. Guddigu wuxuu faahfaahin ka bixiyay qodobada lagu soo kordhiyay, iyo sidoo kale wax-ka-beddellada iyo kaabista lagu sameeyay qodobada qaarkood.
Warbixinta guddiga kaddib, mudanayaasha Golaha Wakiillada ayaa guda galay dood ku saabsan hindise sharciyeedka, iyaga oo si gaar ah diiradda u saaray qodobada ay muhiimka u arkeen in dib loo eego, wax-ka-beddel lagu sameeyo ama lagu sii xoojiyo.
Mudanayaashu waxay kulanka ka soo jeediyeen aragtiyo iyo talooyin kala duwan oo la xiriira qodobada hindise sharciyeedka. Waxa ay sidoo kale soo bandhigeen soo-jeedimo ay doonayaan in guddigu tixgeliyo, isla markaana lagu daro warbixinta akhriska xiga ee hindise sharciyeedka.
Doodda mudanayaasha ayaa qayb ka ahayd habraaca sharci-dejinta ee Golaha, kaas oo ujeeddadiisu tahay in hindise sharciyeedka si faahfaahsan loo eego, lana tixgeliyo aragtiyaha iyo talooyinka ay soo jeediyaan xubnaha Golaha ka hor inta aan loo gudbin marxaladaha xiga ee hannaanka sharci-dejinta.
Ugu dambayn, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, Mudane Aadan Cabdullaahi Aw-Xasan, ayaa soo xiray fadhiga maanta. Guddoomiyuhu wuxuu uga mahadceliyay mudanayaasha ka soo qaybgalay kulanka sida wanaagsan ee ay uga qayb qaateen doodda iyo gudashada waajibaadkooda shaqo.
Waxa uu sidoo kale xusay in qodobada, aragtiyaha iyo talooyinka ay mudanayaashu soo jeediyeen lagu dari doono warbixinta akhriska xiga, si loo sii ambaqaado ka shaqaynta hindise sharciyeedka.
Fadhigan ayaa qayb ka ah hawlaha joogtada ah ee Golaha Wakiillada Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, kuwaas oo la xiriira ka doodista hindise-sharciyeedyada iyo gudashada waajibaadka sharci-dejinta ee Golaha.