Golaha Wasiirada Galmudug oo Ansixiyay Qodobo muhiim ah

Madaxweynaha dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor) ayaa maanta shir guddoomiyay shirka Golaha wasiirada maamulka Galmudug.

Golaha Wasiirada Galmudug ayaa shirkaan cod aqlabiyad leh ugy ansixiyay miisaaniyadda Galmudug ee 2025 oo sameysay koror ka badan boqolkiiba labaatan.

Golaha ayaa sidoo kale meel-mariyay heshiiskii golaha wadatashiga qaranka, kaas oo muran badan ka taagan yahay, islamarkaana muddo kororsi loogu sameeyay dowlad goboleedyada qaarkood.

Mashaariicdan ayaa kala ah; dekedda Hobyo, dhismaha waddooyinka caasimadda Galmudug iyo wsdddada weyn ee isku xirta magaalooyinka Dhusamareb iyo Cadaado, dhismaha xarunta baarlamaanka oo hadda maraya meel gebo-gebo ah iyo sidoo kale dhismaha garoonka caasimadda oo si dardar ah ku socda.