Golaha wasiirada Galmudug Oo Ansixiyay Sharci muhiim

Madaxweynaha Maamulka Galmudug  Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiiradda Galmudug oo ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada.

Kulanka ayaa lagu ansixiyey shuruucda kala ah:- Sharciga Shaqaalaha Rayidka, sharciga Nidaaminta iyo Naqshadeynta Magaaloyinka Galmudug, Sharciga Daqliga Gudaha, oo ay soo gudbiyeen Wasaarada kala ah;

Shaqadda iyo Arrimaha bulshadda, Hawlaha Guud& Guryeynta, iyo Maaliyadda iyo mas’uuliyiin kale.

Sidoo kale, sharciga Dhismaha Guddiga Adeegga Garsoorka ayaa maray Aqrintii koobaad. Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa madaxweynaha ku wehlinayey kulanka.