Golaha Wasiirada Galmudug oo cod aqlabiyad ah ku ansixiyey Gudiga doorashooyinka Badaxa banaan ee Galmudug.


Madaxweyne ku xigeenka Maamul Goboleedka Galmudug, mudane Cali Daahir Ciid ,ayaa shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirada ee Galmudug.

Shirka waxaa diiradda lagu saaray arrimaha amniga guud, ayadoona warbixin laga dhageystay Wasaaradda Amniga Gudaha oo ka warbixisay xaaladda guud ee amniga Galmudug.

Dhinaca kale, Golaha wasiiradda ayaa cod aqlabiyad leh ku Ansixiyay Gudiga madaxa banaan ee doorashooyinka Galmudug.

Xubnaha Gudiga .
1- Xaliimo ismaciil ibraahim
2- Dr Yaasiin Cabdi Jaamac
3- Xersi Yuusuf Barre
4- Khaliif Axmed Gabow
5- Amiira Daahir Maxamed
6- Maxamed Cabdi Shardi
7- Cabdirashiid Cabdiraxman Axmed