Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle oo ka shiray Amniga Beledweyne & Abaaraha

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle  Cali Guudlaawe Xuseen ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka Golaha Xukuumada Hirshabeelle, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

 

Shirka Golaha Wasiirada ee maanta ayaa looga hadlay Arrimaha Amniga gaar ahaan xasilinta Magaalada Beledweyne iyo abaaraha baahsan ee ka jira deegaanada Hirshabeelle.