Golaha Wasiirada Hir-Shabeelle Oo Kulan Yeeshay

Madaxweyanaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa Shirka Todobaadla ah ee Golaha Wasiirada shir Guddoominayay kaas oo looga hadlay Arrimaha Amaanka Dib U dhiska Iyo Horumarinta Hirshabelle.

Wasaarardaha Caafimaadka, Xanaanada xoolaha, ayaa shirka looga dhageystay warbixino la xiriira howlahooda, iyadoo Wasiirka caafimaadka uu is dul istaagay baahiyaha dhinaca caafimaadka ee ka jirta dowladda Hirshabelle.

Wasiirka Howlaha Guud iyo dib u dhiska Dowladda Hirshabelle eng Jaamac Xaashi ayaa golaha faah faahin ka siiyay mashaariicda dib u dhiska Hirshabelle ee socota islamarkaana hakadka ku jirta in todobaad kaddib ay bilaaban doonaa islamarkaana sanadkaan ay rajeynayaan in horumar ballaaran laga gaaro dhinacyada dib u dhiska goobaha danta guud.

Madaxweynaha  Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ugu dambeyntii Golaha ku amaanay dadaalada ay ugu jiraan waxqabadka Wasaaradahooda.