Golaha Wasiirada Hirshabeele Oo Maanta Ansixiyay Miisaaniyada 2019

Shirka Golaha Wasiirrada dowlad Goboleedka Hirshabeelle ee maanta ayaa lagu ansixiyay Miisaaniyada Sanadkani 2019 iyo sharciga Hanti Dhowrka Guud.

Shirka uu shir guddoominyay Madaxweyne Ku xigeenka Hirshabeelle ahna Ku Simaha Madaxweynaha ayaa looga hadlay Arrimaha dhaqaalaha Iyo Amniga, iyadoo Shirka uu ka qabsoomay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hirshabeelle.

Wasiirka Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Ee Hirshabelle mudane Maxamed Maxamuud cabdulle ayaa Golaha Wasiirrada u sharaxay Arrimaha Miisaaniyad sanadeedka oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda Hirshabeelle.

Shirka oo si weyn loogu falanqeeyay Arrimaha Miisaaniyadda Iyo xeerka Hantidhowrka ayaa ugu dambeyntii Golaha ansixiyeen, waxaana qorshuhu uu yahay in Baarlamaanka loo gudbiyo si ay u ansixiyaan.